Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay rag ku eedeysan..

Ciidanka Boliiska Qeybta Guud gaar ahaan Saldhigga Boliiska Warta Nanada ayaa soo qabtay labo nin oo ku eedeysan falal burcadnimo hubeysan

Raggan ayaa sidoo kale lala soo qabtay mooto ay dhac ugu geysteen muwaadiniin ku nool caasimadda dalka iyagoo ka dhacayey telefanada gacanta iyo waxyaabo kale.

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay magacyada labada nin oo lagu kala sheegay Daahir Maxamud Axmed oo 34 jir ah iyo Cumar Ciise Colaad 31 jir.

“Kaamirooyinka qarsoon ayaa qabtay ayagoo bastoolad caag ah dhac ku geysanaya, Waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Related posts

Musharaxiin gaaray Teendhada Afisiyooni iyo Doorashada oo goordhaw bilaabaneysa (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkii Madaxweyne Farmaajo & Madaxdii hore oo soo gebegeboobay & Shir jaraaid oo..

Caydiid Ali

Ganacsatada Jaadka Kenya oo keenay Qorshe cusub ay jaadka kusoo galin karaan Somaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---