Allbanaadir.com
NEWS

Xaalad cusub oo Netanyahu ka soo wajahday gudaha Israel

Wargeyska Walla ee Israa’iil ayaa soo bandhigay sida ay ka soo xigatay Al-Jazeera, isku day uu Netanyahu ku doonayo inuu uga hortago guddi rasmi ah oo Baarlamaanka iyo maxkamadda sare ay u saaraan guul-darradii ka dhalatay weerarkii 7 Oktoobar Xamaas ku gashay gudaha Israel.

Haddii la magacaabo guddigan waxaa la sheegay inuu cadaadis badan la kulmi karo Netanyahu oo ugu dambeyn guul-darrada mas’uuliyadeeda dhabarka loo saarin karo.

Netanyahu ayaa hadda cadaadis kala kulmaya gudaha, kaddib markii Maxkamadda sare ay soo diidday codsi uu ku doonayay in dib loo dhigo kiiska musuqmaasuqa loo heysto ee dacwadiisa dib loo billaabayo bisha December ee sannadkan.

Saraakiisha militariga ayaa sidoo kale ku eedeynaya inuu ku hoggaaminayo ciidanka dagaal aan qorshe lahayn, si la mid ah siyaasiyiinta mucaaraadka ayaa dalbanaya doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo.

Dhinaca kale. Wasaaradda difaaca Israa’iil ayaa guddi gaar ah u magacowday askarta qaba xannuunada nafsiga ah ee ay ka qaadeen dagaalka Qasa, si ay ula socdaan xaaladooda, sababo la xiriira inay sare u kacday tirada askarta xaaladda maskaxeed ay ka soo wajahday dagaalka.

Related posts

Afhayeenkii Aqalka Wakiillada Mareykanka oo xilka laga qaaday iyo saaxiibadiis oo dhabar jabiyay

Cabdi Cade

Gaadiid shixnado gargaar ah sida oo Maalintii labaad galay Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Sawir uu Trump soo dhigay Twitterka oo dhaliyay hadal heyn iyo maadeys (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---