RW Abiy Ahmed oo Magacaabay gole Wasiiro & Soomaalida oo labo xubnood ku yeelatay

Ra’isul wasaaraha cusub ee dowlada Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa maanta magacaabay golihiisa cusub ee wasiirada.

Golaha wasiirada cusub oo ka kooban 16 wasiir ayaa waxaa ku jira wasiiro hore oo xilal kale loo magacaabay, waxana ka mid ah wasiirkii hore ee macdanta, oo hadda laga dhigay wasiirka gaashaandhigga iyo xubno kale.

Soomaalida Itoobiya ayaa labo xubnood ku yeelatay golaha cusub ee wasiirada Itoobiya kuwaasoo kala ah.

1-Ubax Maxamed – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada.

2-Ahmed Shide – Wasiirka xafiiska xiriirka dowlada.

Abiy Ahmed ayaa 2-dii bishan loo dhaariyay talada dalka Ethiopia ka dib markii uu iscasilay Ra’isul wasaarihii hore Desalegn.

Golaha cusub ee wasiirada ayaa laga sugayaa inay isbedel ku sameeyaan wadanka Ethiopia oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay hareeyeen banaanbaxyo iyo rabshado uu dhiig ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -