Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Dayax oo gaaray Deegaan lagu laayay Al Shabaab (Sawirro)

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay la socdaan saraakiil ciidan ayaa gaaray deegaannada Waniile iyo Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Deegaannadan uu taliyaha tagay ayaa maalintii Isniinta aheyd waxaa ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al Shabaab, waxaana dagaalkaasi guulo waa weyn ka gaaray milatariga Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in deegaanka Waniile Al Shabaab looga dilay dagaalyahanno ka badan 50, sidoo kale rag badan looga dhaawacay lana baxsadeen, waxaana aagga dagaalka ka dhacay howlgallo kawada ciidanka xoogga dalka.

Janaraal Dayax Cabdi ayaa ciidanka iyo saraakiisha ku sugan aagga Waniile ku ammaanay sida ay casharka ugu dhigeen kooxda Al Shabaab , waxa uuna  ku dhiiragaliyay in ay joogteeyan hawlgallada nuucaan ah oo Al Shabaab lagu naafeynayo.

Dagaalkii Isniitii ka dhacay deegaanka Waniile ayaa ahaa mid kamid ahaa dagaalladii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkan aagaasi ka dhaca, waxaana dagaalkaasi khasaaro aad u xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Max’uud Cumar oo maanta la soo taagayo Maxkamad ka sareysa tii hore

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo si adag uga hor timid codsiga Kenya u gudbisay Maxkamada ICJ

Cabdi Cade

Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika ee COMESA (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---