Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo shaaciyey arrin ciqaab adag lagu muteysanayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay dambi tahay in qofku uu xiriir wicitaan ah la sameeyo qof ay ehel ama qaraabo yihiin oo ku jira Al-Shabaab ama isaga lala soo sameeyo.

Wuxuu sheegay in qofkaas haddii la ogaado inuu wacay qof Shabaab ku jira ama isaga la soo wacay uu qabanayo sharciga la dagaallanka argagixisada isla markaana maxkamad lagu gayn doono arrintaa.

“Kuma soo wici karo, mana wici kartid waa dambi ogow taas,“ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in aan lala macaamili karin Al-Shabaab, maadama sida uu sheegay uu jiro sidoo kale xeer ku saabsan cunna-qabateynta xadidan oo saaran ururada ka soo horjeeda dowladda.

Xassan Shiikh ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan degaanadii laga saaray Al shabaab aysan dib ugu soo laaban kooxdaas, ayna gacanta ku heyso dowlada.

“Hal degmo oo laga xoreeyey Argagaxisada oo dib ay u qabsadeen majirto dadka Soomaaliyeed ayaana been loo sheegin”.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWERYNAHA

Related posts

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo War cusub ka soo saaray Kismaayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo arrimo ay kamid yihiin Colaada Laascaanood kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaad ka taqaan Xeer Ilaaliyaha cusub ee Qaranka? (Akhriso Taariikh nololeedkiisa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---