Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo hal arrin uga mahad celisay Boqortoyada Sacuudiga (Sawirro)

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kulan looga hadlayay is-kaashiga iyo maalgalinta mashaariicda soo kabashada iyo la qabsiga la qaatay safiirka Boqortooyada Sucuudiga Axmed bin Maxamed al-Mawlid.

Kulanka waxaa si weyn diiradda loogu saaray taageerada wax soo saarka beeralayda iyo xoola dhaqatada oo ay ku jiraan kuwa colaadaha, fatahaadaha iyo abaaruhu saameeyeen, dhisidda iyo dib u dayactiridda waraha biyaha lugu kaydiyo, dhisidda xarumaha ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee maamul goballeedyada, agabka caafimaadka iyo taageeridda xarunta ka digista halis wadareedka ee hay’adda iyo qodobbo kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Waxaa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dedejinta mashaariicda socota iyo gudbinta kuwa kale ee hortebinta mudan.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaad ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Xiisad…

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shirka wajiga labaad ee Mashruuca JPP (Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan

Caydiid Ali