Allbanaadir.com
NEWS

Calaamada Mombasa oo kale oo Kismaayo laga dhisay (Sawirro)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aad looga dareemay isbadal dhinaca amniga, iyo sidoo kale mid lagu hormarinayo waddooyinka magaaladaasi oo horey u burbursanaa.

Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Kismaayo oo sannado badan burbursanaa ayaa dib loo dhisay, waxaana waddooyinkaasi laga dhisay laamiyo, iyadoona muuqaalka magaalada wax badan ka bedeleen waddooyinka la dhisay.

Waddooyinka qaarkood ayaa sidoo kale laga dhisay calaamado bilicda magaalada sii qurxiyay, calaamadan soo jiidasho leh ayaana u muuqata mid laga soo koobiyay calaamada aqoonsiga u ah magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Maamulka Jubbaland oo gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkii dambe ka shaqeenayay horumarka magaalada dekadda leh, waxaana magaalada sidoo kale laga dhisay dhismayaal qurux badan oo dabaqyo dhaadheer ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Xisbiyada oo eedeymo culus u jeedisay Ciidanka Itoobiya ee jooga Somalia

Caydiid Ali

Cali Xasan Cabdalla (Cali Muhaajir) oo isku dhiibay ciidamada Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Maktabada qaranka oo deeq buugaag ah ka gudoontay Maktabadda Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---