Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay hogaanka ciidanka XDS?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay.

Waxay soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay ciidamada Qalabka Sida inay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo Al shabaab iyo kooxaha la midka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay saraakiisha xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al- shabaab iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira goobaha la xoreeyey.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay kulankan saacado ka dib markii uu ka soo laabtay booqasho labo cisho aheyd oo uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritreya.

Related posts

Madaxwene Farmaajo oo tacsi ah u diray Ra’isul Wasaarihii hore ee Sooomaaliya

Cabdi Cade

Jubbaland oo jaan goysay qiimaha lagu dhigto Iskuulada Kismaayo

Caydiid Ali

Zulekha Xasan oo laga saaray aqalka Baarlamaanka Kenya kadib markii ay cunug ay dhashay la gashay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---