Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo xabsiga u taxaabay samafale Cali Khadaab

Ciidanka Heyadda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowlada Somalia ayaa xabsiga Godka Jilacow ee Magaalada Muqdisho ku xiray Cali Khadaab oo ah samafale Soomaaliyeed oo caan ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Cali Khadaab lagala degay Mooto bajaaj uu la socday isagoo dhexmaraya magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka nabad sugida ay jirdil iyo garaacis kula kaceen samafale Cali khadaab intii loo sii waday godka Jilacow oo ah Xabsi dadka lagu cadaabo ay ee leedahay NISA.

Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee loo xiray Cali Khadaab, NISA ayaan sidoo kale ka hadlin xarigan hase ahaatee warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in xariga Cali loo malaynayo inuu salka ku hayo arrimo la xiriiro wareysi uu bixiyey Munaasabadii 1da Luulyo oo uu ku sheegay inaaney jirin xoriyad loo dabaaldego.

Samafale Cali Khadaab waxaa uu madax ka yahay heyad maxali ah oo lagu Magacaabo Somali Charity Org. taasoo gacanta ku heysa Iskuulo iyo goobo lagu xanaaneeyo boqolaal caruur agoon ah ah oo ku yaalla gobolka Galgaduud & meelo kale, waxaana heyadaas taageero Maaliyadeed siiya qurba joog ah, ganacsato iyo dad kale oo muxsiniin ah.

Related posts

Masuuliyiin iyo Taliyaal maanta dhiiro-gelin ugu tagay ciidanka Haramcad (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarad goordhaw ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddi uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble oo lacago u qeybiyay Dowlad goboleedyada

Cabdi Cade