Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo wafdi culus u dirtay xalinta dagaalka Luuq (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbalanad Mudane Maxamud Sayid Aadan oo saaka ka ambabaxay magaalada M Muqdisho ayaa gaaray degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Waxaa socdaalkiisa ku wehliyey wasiiro iyo Xildhibaano, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay maamulka degmada Luuq.

Ujeedka socdaalkooda ayaa ah Nabadaynta dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay  degmada Luuq maalmihii u danbeeyay hallkaasoo ay weli ka jirto xiisad dagaal.

Inta ay ku sugan yihiin Luuq waxay la kulmi doonaan maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si xal loogu helo sababtii keentay Dagaalka oo ay galaaftay nolosha dad badan.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay iney ku naf waayeen dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka socday hareeraha iyo qeybaha ka mid ah degmada Luuq halka qaar kale ay ku dhaawacmeen kaasoo u dhexeeyo beelo halkaas wada dega, iyadoo dagaalkaas uu salka ku hayo dilal la xiriira aano qabiil.

Xaalada degmada Luuq ayaa degan maanta, mana jiraan wax dagaalo ah oo dhacay inkastoo ay is hor fadhiyaan maleeshiyooyinka beelaha dagaalamay oo mararka qaarkood rasaas goos goos ah isweydaarsanaya.

 

Related posts

Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Khayber dalka Pakistan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo wada qorshe lagu wiiqayo awoodda Mucaaradka iyo Beesha Hawiye oo..

Caydiid Ali

Markabka Oruç Reis oo loo soo diray Soomaaliya iyo Erdogan oo sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---