Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda Somalia oo geeriyooday

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Dr. Maxamed Cali Xaamud oo ku geeriyooday Magaaladda Melbourne ee dalka Australia.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuum Dr Maxamed Cali Xaamud mudadii uu noolaa uu qeyb weyn oo muhiim ah kasoo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, sidoo kalena uu xilal kala duwan dalka kasoo qabtay.

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Dr Maxamed Cali Xaamud oo runtii dalka taariikh weyn ku lahaa, door weyn oo oo muhiim ahna kasoo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, Rabbi SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo dhamaan ehelada, qaraabada iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo “, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Allah ha u naxriistee Dr Maxamed Cali Xaamud oo ahaa siyaasi rug cadaa ah waxaa mudadii uu noolaa dalka kasoo qabtay xilal kala duwan isaga oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Related posts

Lacago loo qeybiyay Ganacsato badan oo ku hanti beelay Suuqii Gubtay ee Waaheen (Sawirro)

Cabdi Cade

Wadamo hor leh oo la filayo in ay cunaqabateyn kusoo rogaan Madaxda Soomaalida qaarkood

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---