Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa xalay ka dhacay degaanka Kaamjaroon ee J/hoose?

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa howlgal dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubada hoose

Wararka ayaa sheegaya in halkaas lagu laayay koox ka tirsan Al shabaab oo degaankaas ku sugneyd

“Jab xooggan ayaa gaaray maleeshiyaadka Argagixisada waxaana kooxda la khaarijiyay kujira horjoogayaal sar-sare iyadoo dhinaca kalana ay jireen duqeymo xooggan oo sababay in khasaarahooda uu sii bato” ayuu yiri sarkaal ka tirsan taliyeyaasha howlgalkaas horkacayey.

Waxaa uu intaas ku daray in tan iyo bilowgii sanadkan  Al shababa gobolka Jubada hoose loogu dhigayay cashiro aan marnaba qalbiyadooda ka baxayn, in ka badan 100 xubnoodna looga dilay Howlgalo is xigxigay oo gobolka ay wadajir uga fuliyeen geesiyaasha Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka.

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag kasoo saaray sida ay ku socoto Doorashada

Cabdi Cade

DFS oo loogu baaqay in ciidamo geyso Bakool kaddib dibadbaxii shalay dhacay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhigiisa Hakainde Hichilema

Caydiid Ali
Taboola Ads ---