Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Kyiev (Sawirro)

Ruushka ayaa gantaallo badan ku garaacay caasimada Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine, weerar dhif iyo naadir ah oo lagu dilay ugu yaraan 20 qof guud magaalooyinka ay gantaalada ku dhaceen.

Qayb ka mid ah gantaalada ayaa ku dhacay iskuul ay wax ku bartaan carruurta.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen in ka badan 40 gantaal oo lala beegsaday magaalooyin kala duwan.

waxaa uu sheegay duqeyntaas ay waxyeelo u geysatay kaabayaashii dhaqaalaha, ganacsi iyo Dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla magaalooyinka kala duwan ee Ukraine.

Weerarkan ayaa loo qaatay inuu jawaab u ahaa gantaalada Mareykanka iyo NATO ee dhowaan ay Ukraine ku weerartay xeebta Crimea.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Qoor-qoor iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka?

Caydiid Ali

Maxay ka wadahadleen Wasiirka difaaca DF & dhigiisa Stergmena Lawrence? (sawirro)

Caydiid Ali

Yaa ku fadhiya 16-ka Kursi ee doorashadooda laga wareejiyay Garbahaarey (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---