Allbanaadir.com
NEWS

Afgembi ka dhacay Bolivia iyo Madaxweynihii dalkaas oo xabsiga la dhigay (Sawirro)

Madaxweynaha Bolivia, Luis Arce ayaa lagu soo warramayaa in ay xabsiga u taxaabeen cutubyo ka tirsan ciidanka Bolivia kuwaasoo galay xarunta Madaxtooyadda ee caasimadda La Paz.

Askarta ayaa jabiyay albaabka weyn ee laga soo galo guriga Madaxweynaha dalkaas Luis Arce.

Afgambigii Milatari ee ka dhacay caasimadda Dalka Bolivia ee La Paz, ayaa lagu soo warramayaa in uu hoggaaminayo General Juan José Zúñiga, kaasoo uu shalay shaqada uu ka cayriyay madaxweynaha, ka ddib markii uu hadal aflagaado ah oo ka dhan ah Madaxweynaha uu sarkaalkan ku daabacay wargeys maxalli ah.

Ururka qaaradda Ameerika, oo ka kooban ku dhawaad ​​waddan kasta oo ku yaal Waqooyiga, Koonfurta, iyo Bartamaha Ameerika ayaa cambaareeyay afgambigii milatari ee ka socday Bolivia ee ka dhanka ahaa Madaxweyne,Luis Arce.

Related posts

Guddoomiye Cali Jeyte oo ka hadlay Falkii lagula kacay Wiilal uu dhalay nin Shabaab ah

Cabdi Cade

Xasan Shiikh & Guddoonka Aqalka Sare oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Jowhar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---