Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaan gelin gudaha magaalada, waxaana la filayaa inuu garoonka ka dhaco kulan u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Hirshabelle.

Sida aan xogaha ku heleyno madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay magaalada Jowhar xal u helida khilaafka ka taagan maamulka Hirshabelle iyo sidii looga hortagi lahaa in colaado dhax maraan beelaha dega Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la sheegay in Jowhar u tagay dar-dar gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in dhawwaan si rasmi ah u bilowdo wajiga labaad ee howlgalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulan Wasiirka difaaca Somalia la qaatay dhigiisa Kenya?

Caydiid Ali

Wadada isku xirta Muqdisho & degmada Jowhar oo dib u dhis lagu bilaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis wax-tar u leh dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---