Labo ka mid ah safiirada Somalia u fadhiya dalalka Carabta oo lagu amray iney dalka soo galaan

Dowlada Somalia ayaa amar ku siisay safiirada ka fadhiya dalalka Sudan iyo Masar iney muddo todobaad gudihiis ah ku soo laabtaan dalka.

Amarkan oo ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Somalia ayaan la ogeyn ujeedada ka dambeysa inkastoo ay jiraan warar sheegaya iney saameyn doonto kala bedelid iyo xilka qaadis lagu sameyn doono qaar ka mid ah safiirada Somalia u fadhiya caalamka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar C/qani Maxamed Waceys ahna Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta ayaa muddo afar sano hayay xilka.

sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan C/risaaq Shoole ayaa isna sanadkii hore loo magacaabay xilka Safaaradda oo uu muddo kooban hayey, isagoo ka mid ah ragga sida weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Dhowaan ayey aheyd markii golaha Wasiirada xukuumada Somalia ay dalacsiiyeen shan safiir cusub kuwaasoo aan weli la sheegin safaaradaha loo kala diri doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -