Allbanaadir.com
NEWS

Markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo lagu weeraray Badda cas

Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay inay khasaare gaarsiiyeen markabka diyaaradaha dagaalka xambaara Eisenhower ee Maraykanka.

Waxay sheegeen iney gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la beegsadeen xilli uu ku sugnaa waqooyiga badda cas, sida u sheegay afhayeenka kooxda.

Dhinaca Mareykanka ma jirto warbixin ka soo baxday, xilli warbaahinta Mareykanka ay sheegtay markabka Eisenhower inuu u dhaqaaqay dhinaca xeebaha Lubnaan, si uu u taageerro howlgalka Israa’iil.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo taageeraya xoogaga Xamaas ee ka dagaalamaya Gaza ayaa maraakibta Mareykanka iyo kuwa Israel ka mamnuucay badda Cas, waxayna illaa hadda dajiyeen afar markab, halka kuwo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

 

Related posts

(Sawirro) Wejigii dhabta ahaa ee Fircoon oo markii ugu horeysay la soo bandhigay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Siyaarada Sheekh Weyn uga qeyb galay Tayaatarka (Sawirro)

Cabdi Cade

Hooyo dhashay 9-Cunug oo Mataano ah oo Warbaahinta la hadashay iyo Nolosha Caruurtaas oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---