Hooyo dhashay 9-Cunug oo Mataano ah oo Warbaahinta la hadashay iyo Nolosha Caruurtaas oo..

Xaliimo Ciise oo u dhalatay dalka Mali waxay markii ugu horeysay sharaxaad ka bixisay sida uu dareenkeedu noqday markii ay 9 carruur mataano ah dhashay bishii May 5-dii ee sanadkan.
 
Wareysi Khaas ah oo ay siisay Telefishinka ABC News waxay ku sheegtay inay ku faraxsan tahay carruurta uu Alle ugu deeqay, kuwaasi oo Indhaha Caalamka soo jiitay.
 
Hooyada oo 26-jir ah waxay xustay inay wada caafimaad qabaan dhamaan carruurteeda mataanaha ah, kuwaasi oo ay ku dhashay Rugta Caafimaadka ee Cayn Borja oo ku taalla magaalladda Kaasabalaanka ee dalka Morooko.
 
Mataanahaasi ayaa kala ah Afar Wiil iyo 5 gabdhood, iyadoo magacyada wiilasha loo bixiyey kala yihiin: Maxamed, Bah, Al-xaaji iyo Cumar, halka gabdhaha loo bixiyey Adaam., Xaawa, Faatumo, Oumou iyo Khadiija.
 
Lamaanaha dhalay Mataanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Xaliimo Ciise oo 26-jir Ardayad ah iyo C/qaadir Carabi oo 35-jir ka tirsan Ciiddanka dalka Mali, wuxuuna had iyo jeer sheegi jiray inay u baahan yihiin inay carruur helaan.
 
Maamada waxay horey u haysatay gabar 5jir ah oo ay Nin kale u soo dhashay.
 
“Qof kasta waxa uu doonayaa Carruur, laakiin, haddii ay iyaga ii sheegi lahaayeen inaan maalin uun Aabe u noqon doono 9 carruur, marna ma rumeysan lahayn” ayuu Aabe C/qaadir Carabi ku sheegay Wareysiga ay isaga iyo xaaskiisa siiyeen Telefishinka ABC News.
 
Labada Waalid waxay sheegeen in carruurta u dhashay ay yihiin Haddiyad uga timid Alle,isla markaana ay mas’uuliyadu tahay wax culus.
 
Sumaya Arkuubi oo ah Madaxa Kalkaaliyaasha Caafimaadka ee Isbitaalka lagu xanaanaynayo Mataanayaasha waxay sheegtay inay 9-ka mataanaha u daryeelaan sida Ubadkooda oo kale.
 
Kalkaalisada oo la hadashay Telefishinka ABCNews waxay sheegtay inay carruurta maalintiiba loo xiro ku-dhawaad 75 Xafaayadood, iyadoo saddexdii saacadba mar laga bedelo Xafaayadaha.
 
Sumaya Arkuubi waxay xustay in carruurta maalintiiba ay cabaan 100 dhalo (Masaasad) oo Caano ah.
 
Carruurta Mataanaha waxaa la sheegay inay ugu yaraan bil kale lagu sii hayn doono Isbitaalka Cayn Borja, ka hor intaysan dib ugu laabanin dalkooda hooyo ee Mali, si ay ula midoobaan Walaalshooda kale ee ay isku Hooyada yihiin.
 
Maamada dhashay Mataanaha waxay noqotay Hooyadii ugu horeeysay Caalamka ee hal mar dhashay 9-carruur ah.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -