Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Kenya oo su’aallo weydiiyay Xildhibaano mucaarad ku ah Dowladda Xasan Sheekh

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa sheegaya in xalay labo xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya laga kaxeestay hotel ay kaga sugnaayeen magaalada Nairobi.

Xildhibaanadan oo lagu kala magacaabo Xildhibaan Xasan Cabdinuur iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa la sheegay in ciidamo katirsan sirdoonka dalka Kenya ka xeesteen, kuwaa oo su’aallo dhowr ah weydiiyay labada xildhibaan.

Sida aan xogta ku helnay xildhibaannadan ayaa kamid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ka waday magaalada Nairobi oo hadda geed fadhi u ah siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaana daqiiqado badan kaddib lasii daayay, kaddib markii askartii katirsaneyd sirdoonka Kenya su’aallo ka weediiyay dhaq dhaqaaqyo ay wadaan iyo arrimo kale aan wali xogtooda la faah faahin.

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaan wali ka hadlin su’aalaha ay weydiiyeen xildhibaanadan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xildhibaannada ayaa iyana dhankooda ka hadlin waxii xalay qabsaday.

Xildhibaannadan ayaa lagu tuhmay in ay gadaal ka riixayaan mooshin ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh, waxaa sidoo kale la sheegay in xildhibaannadan wadeen abaabulka iyo isku keeninida xildhibaanno badan oo mucaarad ku noqda dowladda hadda jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa iska leh dhulkii lagu dagaalamay ee degmada Hodan? (DF oo War ka soo saartay)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Dayax gacmeedkii ugu Weynaa oo hawada sare loo direy

Cabdi Cade

Al Shabaab iyo Taliska CXDS oo markii ugu horaysay ku heshiiyay hal Arrin !!

admin
Taboola Ads ---