Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo ku ammaanay Madaxweyne Geelle kaalin muhiim ah uu qaadanayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Nabad Sugida Somalia

Caydiid Ali

DEG DEG: Xoghayaha guud ee Q/Midoobay oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Ruushka oo Musiibo uusan fileyn kala kulmay Duullaanka uu ku qaaday Ukraine (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---