Allbanaadir.com
NEWS

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Nabad Sugida Somalia

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tacsiyeeyay geerida Janaraal Axmed Suleymaan Dafle Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (National Security Service (NSS).

Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale ahaa xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed S. Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga  Soomaaliya sanadkii 1937kii, waxaana 1971 kii loo  magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga.

Burburkii dowladii dhexe kadib Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee Belgiumka oo uu xalay ku geeriyooday.

HOOS KA AKHRISI WAR-SAXAAFADEEDKA SAMBALOOLSHE

 

Related posts

Ciidanka dowlada oo toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa bam gacmeed

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo ka digtay roobab, dabeylo & fatahaado ku soo fool leh dalka

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo Hanjabaadii ugu cusleyd Hawada u mariyay Ruushka kaddib weerarka Ukriane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---