Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Axmed Madoobe oo masuuliyiin & shacab kula ciiday Madaxtoyada Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Waxaa Sidoo kale kala qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo u badnaa Wasiiro iyo xubnmo kale.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno kamid ah golaha Wasiirada iyo Wakiilada Jubbaland iyo Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada ayaa boqolaal kamid ah bulshada ku nool magaalada Kismaayo salaad Ciidda Carafo kula tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Waamo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad oo bulshada la hadlay ayaa kula dardaarmay in ay ugu horayn is-cafiyaan kana shaqeeyaan midnimada bulshada Jubbaland, waxa uu si gaara Madaxweyne ku xigeenka uga codsaday bulshada in ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha amaanka si loo helo amni buuxa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Xidig Muslim ah oo Isbitaal casri ah ka dhisaya Tuulada uu ku dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shabakad qaraxyo la damacsaneyd goobaha lagu ciidayey oo la qabtay

Caydiid Ali

Kheyre oo ka qeyb galay Casho Sharaf loo sameeyay Koox Yurub ka timid (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---