Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne kuxigeenkii Malawi iyo dadkii la saarnaa Diyaaradii la waayay oo wada dhintay

Waxaa shalay oo Isniin aheyd la waayay diyaarad nuuca milatariga ah oo uu saarnaa Madaxweyne kuxigeenkii dalka Malawi Saulos Chilima, waxaana saacadihii lasoo dhaafay socday baadigoobka diyaarada la waayay iyo dadkii la socday.

Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera, ayaa xaqiijiyay in ay bur burtay diyaaradii uu la socday Madaxweyne kuxigeenka, waxa uuna sheegay in dhammaan dadkii saarnaa diyaarada bur burtay ay wada dhinteen.

Diyaarada bur burtay oo ay la socdeen sagaal xubnood uu ku jiray Madaxweyne kuxigeenka dalka Malawi ayaa burburka haraadigeeda laga helay goob buuro ah, waxaana halkaasi gaaray saraakiil iyo kooxaha gurmadka deg dega.

Madaxweynaha dalka Malawi ayaa tacsi u diray qoyska Madaxweyne kuxigeenkii iyo dadkii kale ee ku dhintay shilka diyaaradeed, waxa uu sidoo kale madaxweynaha amray in baaritaanno lagu sameeyo shilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Habraaca amniga doorashada Madaxweynaha Somalia oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Mareykanka oo duqeyn ku dilay hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacida

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo xilal u Magacaabay mas’uuliyiin cusub (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---