Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Maaliyadda oo Nairobi ku guddoomiyay kulanka Jiheynta maaliyadda dalka (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay dowlad-goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.

Related posts

Roobab lagu diirsaday, dhinaca kalena khasaare geystay oo ka da’ay Muqdisho (Daawo)

Caydiid Ali

(Sawiro) Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo ka wada degaano ku dhow Jamaame

Caydiid Ali

K/Galbeed oo qabatay dibed bax lagu taageeray Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---