Roobab lagu diirsaday, dhinaca kalena khasaare geystay oo ka da’ay Muqdisho (Daawo)

Roobab xooggan ayaa ka da’ay maanta magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo ah kuwa xiligii gu’ga oo aalaaba bilowda sanad kasta marka la soo gaaro bilahan oo kale.

Roobkan oo marna xoogeysanaya marna qaboobaya  ayaa saameyn ku yeeshay socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka laamiga ah iyo xaafadaha khul-khulaya biyo iyo daadad ka sameysmay roobabka  oo bilowday duhurnimadii maanta salaadii Jimcaha ka dib.

Waxaa magaalada dul hoganaya daruuro madow oo roob wata kuwaasoo iftiinkii maalmeed bedelay mugdi, waxaana la maqlayaa gugac onkod xoogan oo roobabkan ay wataan.

Shacabka magaalada Muqdisho oo maalmahan dareemayey kuleyl fara badan oo habeen iyo maalin ah ayaa si weyn ugu farxay roobabkan oo ay sheegeen iney ku diirsadeen ayna dareemayaan jawi macaan iyo neecow.

Wararka qaar ayaa sheegaya iney roobabkan ay jareen wadooyin muhiim ah oo ku yaaalla Muqdisho ka dib markii biyo xoog leh ay fariisteen, waxaana sidoo kale la soo sheegayaa iney jiraan dhismayaal dumay.

Dhinaca kale, roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan heysan hoy wanaagsan oo ay ka dugsadaan roobka iyo qabowga.

Qaar ka mid ah xeryaha barakacyaasha ayaa waxaa la soo sheegayaa iney gudaha u galeen daadad ka soo rogmaday roobka, kuwaasoo qaaday guryo ka sameysan Baco, ulo booc ah iyo cooshado markii horeba aan adkeysi badan u laheyn roobka oo ay ku noolaayeen qoysas u badan haween iyo caruur, taasoo ay dheer tahay duruufo nololeed oo horeyba u heystay.

Sidoo kale, qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa laga soo sheegay xalay ilaa saaka iney ka da’ayeen roobab xooggan.

HOOS KA DAAWO

default
default
- Advertisement -