Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin abaabul dagaal iyo kulamo kawada Ceeldheer (Sawirro)

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle, oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo masuuliyiinta iyo saraakiisha ku sugan degmadaasi.

Jeneraal Dayax iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa si deg deg ah u gaaray degmada Ceeldheer oo maalmo kahor kooxda Al Shabaab ku qaadeen weerar khasaaro badan dhaliyay.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaana kulamo la qaatay wasiirro iyio masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug iyo kan degmada, waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga iyo kuwa macawuusleyda.

Waxa uuna taliyaha kala hadlay masuuliyiinta iyo saraakiisha uu la kulmay sidii looga hortagi lahaa weerarada kooxda Al Shabaab, sidoo kale ciidamada u qaadi lahaayeen howlgallo ka dhan ah Shabaabka ku sugan Ceeldheer aageeda.

Taliyaha ayaan mar kale ku ammaanay ciidanka xoogga iyo kuwa macawuusleyda sidii ay isaga difaaceen weerarkii kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in Al Shabaab weerarkaasi jab xooggan uu kasoo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Daru-salaam (Sawirro)

Caydiid Ali

Horjooge katirsanaa Al Shabaab oo la dilay iyo hubkiina laga qaatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga ee loo dhigay ? (Wax badan ka ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---