Ciidamo Kumandos loo soo tababarayo oo dalka ka ambabaxay (Daawo Sawirro)

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dayuurad milateri ka raacay garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Turkiga.

Ciidankan ayaa noqonaya dufcadii 3aad oo tababarka kumandoska ku soo qaadan doona dalkaas sida uu sheegay Wasiirka gaashaandhiga Somalia oo sagootiyey ciidankan.

“Waxaan maanta u dirney dalka aan Walaalaha Nahay ee Turkigga Ururkii labaad Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo soo qaadan doona Tababar Kumaandoos ah, waana Dufacdii Sadexaad ee aan u diro Turkiga tan iyo inta Xilka aan haayo, umadda Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa in Dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed uu dhabaha haayo allah Waxaan uga baryayaa in iyagoo caafimaad qaba dib Dalka uga soo laabtaan” ayuu yiri wasiirka.

Shalay ayey aheyd markii ay dalka ku soo laabteen boqolaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia oo tababar dhinaca kumandoska ah ku soo qaatay dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -