Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xabsiga la dhigay

Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabtay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo loo haysto in ay sii daayeen rag ku eedaysan burcad-badeed.

Laamaha amniga Puntland ayaa xabsiga dhigay guddoomiyihii Maxkamadda Derejada koowaad ee ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool, Cabdiraxmaan Fool-jaawe.

Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Derejada koowaad ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool Mr.Keenadiid, ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha maxkamaddaasi, Mr.Qoolle iyo laba garsooe oo la kala yidhaahdo, Cali Sahal iyo Cabdiweli Xuseen.

Mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegey in madaxtooyada Puntland u haysato sii deynta rag ku eedeysnaa Burcad-badeed, kuwaa oo msxkamadda sheegtay in  wax denbi ah ku-waayeen.

 

Related posts

Maxay Angela Merkel u diiday codsiga uga yimid Xoghayaha guud ee Q/Midoobay?

Caydiid Ali

Kontrolada laga ilaaliyo Villa Somalia oo ciidamo cusub lagu xoojiyey & amaro la soo rogay

Caydiid Ali

Akhriso Liiska Wasiirada ka banaan Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre

Cabdi Cade
Taboola Ads ---