Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowladda oo qaaday tallaabo deg deg kaddib dagaalkii ka dhacay Galgaduud

Wararka ka imaanaya degmooyinka Caabdudwaaq iyo Xeraale ayaa saakay sheegaya in xaalada goobihii shalay ay ku dagaallameen maleeshiyaad labadaasi degmo kasoo kala jeeda ay hadda degan tahay.

Ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa ku baxay aagga labada maleeshiyo ku dagaallameen, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in dagaalka joojiyaan oo labada maleeshiyo kala qaadaan.

Maamulka Galmudug iyo dowladad Federaalka Soomaaliya ayaana dedaal badan ku bixinaya sidii loo joojin lahaa dagaalka dhiigga badan ku daatay, loogana shaqeyn lahaa in wadahadl isugu yimaadaan labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanno kuyaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ayaa sababay geerida dad ka badan 50-qof iyo dhaawac intaas ka badan, waxa uuna dagaalka noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinka dhaca.

Guddi wasiirro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaana loo saaray sidii dagaalka xal loogu heli lahaa, waxaana socda dedaalo badan oo lagu doonayo in looga hortago in mar kale dhiig si micno darro ah ku daato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo War kasoo saartay Deegaan Muhiim ah oo maanta laga saaray Al Shabaab

Cabdi Cade

Fadeexada Qatar-gate ee ka taagan Baarlamaanka Yurub oo weji kale yeelatay

Caydiid Ali

Dagaal xooggan oo ka socda Deegaan Yasooman iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---