Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo digniin adag kasoo saaray dhac ay bilaabeen Guddoomiyaal degmo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baasha Yuusuf Axmed oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho, ayaa digniin adag kasoo saaray dhac farsaeysan oo ay bilaabeen qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Baasha Yuusuf ayaa sheegay in ay hayaan xogta guddoomiyaal degmo oo si khaldan u adeegsanaya xilka ay hayaan, kuwaa uu sheegay in dhibaato ku hayaan qaar kamid ah shacabka degan degmooyinka ay maamulaan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Sare in ay jiraan guddoomiyaal degmo oo dadka weydiinaya dukumiintiyada guryaha ay degan yihiin, waxa uuna xusay marka ay ka waayaan in guryaha ka saarayaan si ay u iibsadaan ama lacago baad ah uga qaataan.

Guddoomiyah Maxkamadda Sare ayaana uga digay guddoomiyaasha falalkaasi ku kaca in ay galaayaan dambi ayna ku muteysan karaan ciqaab adag, isaga oo sheegay in qof walbo lagu qaadi doono ciqaabta dambiga uu galay.

Hadalka guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kusoo aadaya xilli shacabka degan magaalada Muqdisho qaarkood ka cabanayaan in awoodda iyo shaarka dowladda lagu dhibaateeyo mararka qaar laguna baado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yaasiin “Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

admin

Wasaarada Maaliyadda iyo Ganacsaada Gobolka Banaadir yaa shacabka u wanaagsan?

Cabdi Cade

Sarkaal ka tirsan Al shabaab iyo ilaaladisa oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---