Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa Kuuriyada Koonfureed kana helay ballanqaadyo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labada Ra’iisul Wasaare, ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, ayaa dhankiisa ballanqaaday in dalkiisu uu gacan ka siin doono Soomaaliya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.

Soomaaliya ayaa la tagtay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalkeenna, kuwaas oo ay gacan ka geysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed.

Related posts

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda Jubbaland oo la doortay

Cabdi Cade

RW Khayre oo kormeeray Bankiga dhexe & xarumo uu ka socdo dib u dhis (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeeday Caleemo saarka Axmed Madoobe iyo Kenya oo la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---