Duqii magaalada Jalalabad oo Daalibaan isku dhiibay kuna wareejiyay xilka (Sawirro)

Dagaalyahanada kooxda Daalibaan ayaa qarka u saaran in ay la wareegaan magaalada Kaabul ee caasimada Dalka Afganaistan, waxa ayna kooxdan la wareegtay dhamaan magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi kuyaala marka laga reebo Kaabul.

Magaalada Jalalabad ayaa noqotay magaaladii ugu dambeesay oo gacanta kooxda Daalibaan soo gasha, magaaladan ayaana dagaalyahanada Daalibaan la wareegeen iyada oon wax dagaal ah ka dhicin.

Duqii magaalada Jalalabad iyo saraakiil kale oo ku sugnaa magaaladaasi ayaa isku dhiibay dagaalyahanada Daalibaan, waxa uuna Duqa magaalada si buuxda talada maamulka magaalada ugu wareejiyay hogaamiyaal katirsan kooxda Daalibaan.

Daalibaan ayaana saacadihii lasoo dhaafay la wareegay magaalooyin kale ay ku jirto Mazar-i-Sharif , waxa ayna Daalibaan hada kusii siqayaan magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afgaanistan oo dagaal qarka u saaran.

Madaxweynaha Afgaanistan ayaana ku hanjabay in uu dagaalami doono si u difaacaan gacan ku heynta magaalada Kaabuul, xaalada Afgaanistan ayaana hada u muuqda mid faraha ka baxay oo lagu jabiyay ciidamadii dowlada ee sanadaha loo tababarayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -