Guddoomiye Yariisow oo hadalo kulul ku Weeraray Mucaaradka dowlada Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow)  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in siyaasiyiinta Mucaaradka aan laga aqbali doonin inay xag-xagtaan dowladda.

Yariisow ayaa intaas ku daray in Mucaaradka looga baahan yahay in aysan kaliya buunbuuninin amni daradda ee looga baahan yahay inay noqdaan mucaarad taladooda ku darsada dowladda si loo saxo meelaha qaladaadku jiraan.

“Siyaasigii khas wade ah argagixisada safkeeda ha soo galo ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daro in ay dalka ka jirto ee noqo mucaarad wax saxa” ayuu yiri Ing. Yarisow.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan dhag jalaq u siinin hadalada mucaarad dano gaar ah leh iskana kaashadaan sidii ay amniga ugala shaqeyn lahaayeen ciidanka amniga.

Eng Yariisow ayaanan looga baran inuu ka hadlo arrimaha siyaasada dalka maadaama xilkiisa uusan aheyn mid siyaasadeed, waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in hadaladan inuu ku ilaashanayo jagadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -