Nin Xaaskiisa kula taliyay in ay is disho oo xukun adag lagu riday

Maxkamad kutaala dalka Australia ayaa 8-sano oo xabsi ah ku riday nin lagu helay dambi ah in uu xaaskiisa ku dhiiro galiyay in ay is disho.

Graham Morant, oo 68 sano jir ah ayaa Maxkamada ku heshay in xaaskiisa ku dhiiro galiyay in ay is disho, waxaana ninkan la sheegay in uu doonayay in uu helo lacag ceymis ah.

Ninkan ayaa la sheegay in xaaskiisa Jennifer Morant oo 56-sano jir aheyd ay is dishay sanadkii 2014-kii kadib markii uu ku dhiiro galiyay in falkaasi ku kacdo, waxaana haweeneydan meydkeeda laga helay meel ku dhaw kaalin shidaal.

Graham ayaa sababta uu xaaskiisa dilku ugu dhiiro galiyay waxaa ku kallifay damac ka galay lacagta faa’iidada caymiska, sida uu xaakimka ka dhawaajiyay ka dib markii uu caddeymaha dhageystay.

Maxkamada ayuu ka hor sheegay ninkan in uusan wax dambi ah galin, hasa ahaatee garsooraha ayaa sheegay in Jennifer Morant aysan is dili laheyn hadii uu ninkeeda ku dhiiro galin laheyn is dilaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -