Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka, Qatar & Masar oo war kale ka soo saaray heshiiska Xamaas & Israel

Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa ugu baaqay Israa’iil iyo Xamaas inay aqbalaan hindisaha xabbad-joojin ah ah ee uu soo saaray Madaxweyne Biden

Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa ugu baaqay Israa’iil iyo Xamaas inay “dhamaystiraan heshiiska dhigaya mabaadii’da” soo jeedinta xabbad-joojinta.

“Mabaadi’daani waxay isu keeneen dalabaadka dhammaan dhinacyada heshiis u adeegaya dano badan waxayna keeni doonaan gargaar degdeg ah labadaba dadka muddada dheer u dulqaadanayay Gaza iyo sidoo kale la haystayaasha muddada dheer ka maqnaa qoysaskooda,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay soo saareen saddex dal.
Waxay sheegeen in heshiiskani uu bixinayo “khariidad xabbad-joojin joogto ah iyo soo afjarida xiisadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Biden wuxuu soo bandhigay hindise nabadeed oo saddex waji ah, kaasoo uu sheegay in Israa’iil ay u gudbisay si wax looga qabto dhibaatada Gaza. Xamaas ayaa muujisay aqbalaada qorshahan, laakiin Israa’iil ayaa su’aalo ka keentay.

Related posts

Itoobiya oo shaacisay iney magaalo muhiim ah ka qabsatay gobolka Tigray

Caydiid Ali

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Jawaabay Warkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha

Cabdi Cade

Madaxweyne Wiilkiisa oo Xildhibaan ah la doonaya in uu u magacaabo jago kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---