Madaxweyne Wiilkiisa oo Xildhibaan ah la doonaya in uu u magacaabo jago kale

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro, ayaa mid kamid ah wiilashiisa la doonaya in uu ka dhigo diblumaasi sare una magacaabo in uu noqdo safiirka Brazil u fadhinaya dalka Mareykanka.

Eduardo Bolsonaro oo 35 jir ah ayaa hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Congress-ka Brazil, waxa uuna ninkan sidoo kale aabihiis kala taliyaa siyaasada arimaha dibadda, waxaana wiilkan lagu tilmaamaa in uu yahay Wasiirka qarsoon ee arimaha dibadda.

Madaxweynaha dalka Brazil ayaa siyaasad ahaan la sheegaa in uu u jan jeero dalka Mareykanka, waxa uuna hada ka fekerayaa in wiilkiisa u magacaabo safiirka Mareykanka u fadhiya Brazil jagadaasi oo banaan mudo dhowr bil ah.

Wiilka Madaxweynaha dalka Brazil Eduardo Bolsonaro ayaa ku qasbanaan doono in uu iska casilo kursiga Xildhibaanimo hadii uu aqbalo in uu noqdo safiir sida uu qabo dasuurka dalkaasi Brazil.

Xubno kamid ah Qoyska Madaxweynaha dalka Brazil ayaa la sheegay in la taliyaal u yihiin , waxaa sidoo kale Xildhibaano katirsan aqal sare iyo Koongareeska ah labo wiil uu dhalay Madaxweynaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -