Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildh. C/raxmaan C/shakuur oo booqasho dhiirigelin ah ku tagay furumaha dagaalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda ayaa galabta gaaray furimaha dagaalka ee degaanka Bulacle.

Wuxuu ku dhiirigeliyey ciidamada uu halkaas kula kulmay dagaalka ay Al-shabaab uga xoreynayaan dalka, isagoo ku dalbaday inay sii socdaan oo gaaraan degaanada weli ka maqan gacanta dowlada.

“Ragii Sayidinaa Cusmaan Bin Cafaan (Allaha ka raali noqdee), khaliifkii 3-aad ahaa, qofkii afaraad oo Nabiga (CSW) rumeeyey ah, labo gabdhood oo uu dhalayna guursaday, tobbankii Janada loogu bishaareeyey ka mid ah, isagoo sooman oo 82 jir ah dilay, qof ay daynayaan ma laha” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlayey ciidamada.

“Waxaan idinku boorrinayaa geesinimada iyo sida ay naftooda ugu hurayaan baacsiga iyo u babac-dhigidda argagixisada dhammaanteen waxaa naga go’an dabar-jarka argagaxisada iyo in aysan kaligood ku ahayn furimaha iyo fagaarayaasha dagaalka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa caawa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, isagoo maalmaha soo soda qorsheynaya inuu booqdo furumaha kale ee dagaalka.

Related posts

Booliiska oo xiray Wiilal iyo gabdho jirdil u geestay Wiil kaddibna Muuqaal ka duubay

Cabdi Cade

Israel oo ku goodisay iney Rafah u adeegsaneyso hub caalamka laga mamnuucay

Caydiid Ali

Ogow shuruudaha laga doonayo qofka raba inuu hub ku dhex wato Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---