Wakiilka QM ee Somalia oo digniin ka soo saaray doorashada Koonfur galbeed (Akhriso)

Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomalaiya Nicholas Haysom ayaa War ka soo saaray xaaladda Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kadib markii uu socdaal ku tegay magaalada Baydhaba, isla markaana la kulmay musharixiinta ku tartamaya doorashadaasi.

Qoraalka Wakiilka Q/Midoobay ayaa lagu shegayin kadib booqashadiisii magaalada Baydhabo oo uu dhageystay aragtiyada kala duwan ee Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo murashaxiinta madaxtinimada – inuu ergayga Qaramada adkeynayo baahida loo qabo Doorasho lagu kalsoonaan karo oo ka dhacda Koonfur Galbeed.

Nicholas Haysom wuxuu caddeeyay in Qaramada Midoobay aysan murashax gooni ah taageereynin, wuxuuna sheegay muhiimadda ay leedahay in dhammaan murashaxiinta Koofur Galbeed ay helaan fursad caddaalad ah oo ay doorashada uga qeybg alaan, wuxuuna ka digay in Doorashada laga ilaaliyo xadgudub, ha ahaato dhaqaale, cadaadis ama rabshado.

“Dhamaan murashaxiinta Koofur Galbed, waa iney helaan fursad loo siman yahay oo ay doorashada uga qaybgalaan; waa in la helaa hannan looga hortagi karo in doorashada lagu xadgudbo, ha ahaato dhaqaale, cadaadis ama rabshado” ayuu yiri Mr. Heysom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -