Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Soomaali lagu dilay Magaalada Cape Town iyo faahfahino ka soo baxaya

Nin Soomaali ah ayaa lagu dilay Magaalada Cape Town ee dalka koonfur Afrika sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Maxamed Yuusuf ayaa sida wararku sheegayaan waxaa dilay koox burcad ah oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa duleedka Magaalada Cape Town.

Qaar ka mid ah Soomaalida dalkaas ku nool ayaa sheegay in meydka marxuum Maxamed Yuusuf ay ka soo qaadeen goobta lagu dilay iyadoo jirkiisa ay ku tiilay rasaas loo adeegsasaday dilkiisa.

Booliska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu dilkan ka dhacay ayaa halkaas ka sameeyey baaritaano, iyadoo looga bartay ineysan waxba ka qaban dilalka noocan ah ee loo geysto Soomaalida dalkaas ku ku dhaqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Ciidanka Danab oo xilka laga qaaday & taliye kale oo lagu bedelay

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Shir heerkiisu sarreeyay uga qeyb gashay Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi & taliyeyaal ciidan oo la hadlay Maleeshiyaad loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---