Allbanaadir.com
NEWS

Mashaariic laga fulinayo deegaannada maamulka Koonfur Galbeed oo laga wada hadlay

Madaxweynaha goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa xarunta Madaxtooyada KGS ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo Maanta howlo shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Khawaarijta iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hay’adda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Related posts

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday Saldhig ciidan

Cabdi Cade

Mustafe Cagjar oo arrin yaab leh ku amaanay Abiy Ahmed & caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka maamulka Garaadka Macmalka ee ee AI

Cabdi Cade