Allbanaadir.com
NEWS

Rag iyo Haween Soomaali ah oo looga shakiyay weerar argagaxiso oo lagu qabtay Nairobi

Ciidamada argagiso la dirirka dalka Kenya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Naiarobi waxa ay ku qabteen shan qof oo la tuhmayo in ay maleegayeen weerar argagaxiso.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in la qabtay 5 qof oo looga shakiyay inay diyaarinayeen weerar argagixiso oo ay ka fuliyaan gudaha Nairobi, waxaana 5-tan qof isugu jireen rag iyo haween.

Dadkan ay qabteen Ciidamada Kenya ayaa sadex kamid ah yihiin Soomaali kuwaa oo magacyadooda lagu sheegay Mohamed Hassan Bario,Hodan Abdi Ismail, Ifrah Mohammed Abshir iyo labo nin oo kale oo kala heesta Dhalashada Kenya iyo Mareykanka.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa sidoo kale qabtay lacago kale duwan, darees, computer-ka laptop ah iyo waliba kaarka ay isticmaallaan ilaalada safaaradda Maraykanka, waxaana dadkan la xiray iyo agabka ay wateen la geeyay xarun gaar ah oo lagu ilaalinayo.

Ciidamada Kenya ayaa heeggan buuxa la galiyay maalmihii lasoo dhaafay, waxa ayna ciidamada bilaabeen howlgalo u muuqda inay uga in dowladdu ay uga hortagayso weeraro ay suuragal tahay in kooxaha Argagixisada ay ka gaystaan gudaha dalkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Caan ah oo Madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 15 milyan oo doolar 

Cabdi Cade

Halkan ka Akhriso Magacyada Dagaalyahandii Al Shabaab ee weeraray Garoonka Bali-Doogle

Cabdi Cade

Seynab Xaabsey: “Haweenka Soomaaliyeed waxay guulo ka gaareen hogaaminta Bulshada”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---