Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Dheere oo isku dhiibay Qeybta 60-aad ee ciidamadda Xoogga dalka (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Guudow Madey oo al shabaab dhexdooda looga yaqaan (Cali Dheere).

Ninkan ayaa sheegay in u tababarro kala duwaan ku soo qaatay goboladda Bay iyo Jubbada dhexe isagoo intaas ku daray inuu ka qeyb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah goboladda Hiiraan, Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.

Haatan ayuu isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay.

Cali Guudow Maday ayaa Saaxiibadiis weli ku jira Al shabaab ugu baaqay inay ka soo baxaan duurka ayna isku soo dhiibaan laamaha Amniga dalka oo uu uga  mahad celiyey sida ay u soo dhoweeyeen.

 

Related posts

Shirkad Diyaaradeed oo Caalami ah oo joojisay Duulimaadyadii Muqdisho ku imaan jirtay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo saxiixay Miisaaniyada cusub ee Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Winnie Mandela oo geeriyootay, iyadoo 81 sano jir ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---