Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo si kulul uga hadashay xasuuqa & gumaadka lagu hayo shacabka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaanaysa ee shacabka Falastiin.

Wuxuu cambaareeyay gardarada iyo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin. isagoo cusboonaysiiyay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto xadgudubyadaas

Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay taageerrayso dadaallada lagu doonayo in lagu sugo xuquuqda sharciga ah ee dadka reer Falastiin.

Wasiirka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka, caalamkana uu ka shaqeeyo ilaalinta dadka rayidka ah, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib u dhiska Qasa.

Axmed Macallin Fiqi ayaa hadalkan ka jeediyay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka furmay Magaalada Beijing.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al Shabaab oo ka dhacay Buuraha Camalow

Cabdi Cade

Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Madasha Stockholm ee Nabadda & Horumarka (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaafiic Caawa lagu garaacay Madaxtooyada Somalia iyo Qeybo kamid ah Muqdisho

Cabdi Cade