Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo wafdi culus u dirtay shirweynaha Arab States-China Cooperation Forum

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa gelinkii dambe ee maanta oo Talaado ah u kicitimay Caasimadda Shiinaha ee Beijing.

Fiqi ayaa hoggaaminaya wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ee ka qeybgalaya meertada tobanaad ee shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo lagu wado in la daahfuro 30 bishan May.

Madasha ayaa laga soo saari doonaa dhowr dukuminti oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Baaqa Beijing, barnaamijka fulinta ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha ee sanadaha 2024-2026 iyo war-murtiyeedka wadaagga ah ee arrinta Falastiin, iyadoo dhammaan howlahan lagu jaan-gooyay kulamada gogol-xaarka ee maanta qabsoomay.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa kulan doceedyo labo dhinacle ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah iyo wakiillada matalaya dowladaha walaalaha iyo saaxiibada nahay ee ka qeybgali doona shirka heer Wasiir si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka, lana sahamiyo fursadaha iskaashi ee nacfi wadaagga ah.

 

Related posts

Booliska Muqdisho oo Mamnuucay socodka Mooto Bajaajka laga bilaabo..

Caydiid Ali

Fashil ku yimid Qabsoomida kulan loogu daneyn lahaa Farmaajo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay 30 Malyan doolar oo deyn lagu lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---