Xukuumadda Soomaaliya oo laga codsaday in Fasiraad ka bixiso Fal gurracan ay ku kacday

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaliilay xukuumadda in sabab la’aan Soomaaliya uga maqnaatay codeyn loogu hiilinayay muslimiin badan oo lagu laayay xasuuq ay geesteen ciidamada Serbiya.

Siyaasigan ayaa sheegay in Soomaaliya ka maqneyd cod loo qaadayay in 11-ka July loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995-kii ay ciidamada Serbiyiinta ku dileen in ka badan 8,000 oo muslimiin Boosniyaan ah.

”Shacabka Soomaaliyeed gaboodfal taariikhi ah ayey ku tahay in magaciisa loogu hiillin waayo qadiyad ay leeyihiin dad shacab ah oo Muslim ah. Khamiistii la soo dhaafay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in 11-ka July loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995-kii ay ciidamada Serbiyiinta ku dileen in ka badan 8,000 oo muslimiin Boosniyaan ah, kuna kufsadeen kumanaan kun oo haween ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu caddeeyay xildhibaanka in dawladda Soomaaliya ay si ulakac ah uga maqnaatay goobta codaynta, iyadoo aan wax sabab ah ama cudurdaar la aqbali karo lahayn, waxa uuna xukuumadda ugu baaqay in ay shacabka u fasiraan sababta ku kaliftay falkaasi gurracan.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay guddiga arrimaha dibadda ee labada aqal ee Baarlamaanka in xukuumadda wax ka weydiiyaan arrimaha ka dhaxeeya kulan 20-kii April Muqdisho ku dhax maray Ra’isul Wasaare Xamse iyo ergayga Geeska Afrika u qaabilsan dowladda Serbia.

”Guddiga arrimaha dibadda ee labada aqal ee Baarlamaanka waxaa waajib ku ah, haddiiba ay nafi ku harsantahay in ay xukuumadda waydiiyeen xiriirka ka dhexeeya kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo ergeyga gaarka ah ee Seerbiya u qaabilsan Geeska Afirka ee dalka u yimid ololaynta qadiyaddaas” ayuu yiri Xildhibaan CC Warsame.

Codeynta inkasta oo ay Soomaaliya ka maqneyd , haddana inta badan dawladihii adduunka cod aqlabiyad ah ayey ugu hiilliyeen dalka Boosniya ee dadkooda la xasuuqay, waxaana la isweediinayaa waxa Soomaaliya arrintan uga dhuumatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -