Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka hay’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wadashaqeynta maamulka Puntland iyo Hay’adda UNHCR iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qaxootiga , barakacayaasha iyo magangalya doonka ee ku sugan Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaana u sheegay madaxda hay’adda UNHCR in Puntland diyaar u tahay in si dhaw ula shaqeyso hay’adda, waxa uuna dhankooda ka codsaday in il gaar ah ku hayaan deegaannada Puntland.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -