Xamaas oo shaacisay iney nolol ku qabatay askar ka tirsan ciidanka Israel

Afhayeenka kooxda iska caabinta Qasa ayaa ku dhawaaqay inay nolosha ku qabteen askar ka tirsan ciidanka Israa’iil ee dagaalka kula jiray

Waa markii ugu horeysay ee askari israaiili ah uu gacanta u galo Xamaas tan iyo markii uu dagaalka qarxay.

Marka laga soo tago hadalkii argagaxa lahaa ee Abuu Cubayda ku sheegay inay askar ka tirsan ciidanka Israa’iil gacanta ku dhigeen, muuqaal ay soo bandhigeen iska caabinta ayaa laga arkay askari ka tirsan ciidanka Israa’iil oo ay ku soo jiiteen mid ka mid ah gododkooda ku yaalla xerada Jabalia , waxayna arrintan naxdin dhab ah ku tahay Israa’iil.

Waxaa ku cad qalabka la soo bandhigay in ciidanka la soo qabtay ee muuqaalka lagu soo bandhigay inay ahaayeen ciidanka gaar ah oo leh aqoon sare.

Israa’iil waa diidday jiritaanka askar ay gacanta ku dhigeen iska caabinta Qasa, laakin ciddina kama fileyn Israa’iil qirashada askar laga qabsaday.

 

- Advertisement -