Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo labo qodob kala hadlay danjiraha Ruushka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha Ruushka ee dalkeenna Mudane Mikhail Golovanov ayaa kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.

Xulafada bariga ee Ruushka iyo Shiinaha waxay sameeyeen dadaal , si ay u helaan iskaashiga Soomaaliya , balse taasi ma dhicin sababo la xiriira in Soomaaliya ay ku tiirsantahay iskaashiga iyo taageerrada reer galbeedka iyo xulafadooda Carabta, oo waxtar u ah dhaqaalaha iyo nidaamka dawladda.

Related posts

Golaha amaanka QM oo isku raacay xabad joojin deg deg ah & Israel oo ku gacan seyrtay

Caydiid Ali

Itoobiya oo iska bixin waysay lacago dayn ah oo lagu leeyahay kana mid noqotaya dalalka…

Cabdi Cade

Guddoonka gollaha Shacabka oo la kulmay Kate Foster iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---