Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo sharaxday Sababta ay Somaliland iyo Puntland ugu dartay dalalka ay …

Dowlada Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu daabacay bogga Wasaarada Arimaha Dibadda dalkaasi oo lagu soo bandhigay dalalka ay Itoobiya ku leedahay Safaaradaha iyo matalaada diblumaasiyadeed.

Wasaarada Arimaha dibadda Itoobiya ayaa dalalka ay mataalada diblumaasiyadeed ku leedahay ku dartay maamulada Somaliland iyo Puntland, waxa ayna taasi ka careesiisay Soomaali badan oo u garatay in Itoobiya dalal u aqoonsan tahay labadaasi maamul.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, oo ka hadlay arintan ayaa ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin dowlada Soomaaliya , waxa uuna xusay in  Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka.

”Waxaan safaarad rasmi ah ku leenahay magaalada Muqdisho, Puntland iyo Somaliland waxaan iyaguna ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada arimaha Dibadda Itoobiya.

Wasaarada arimaha dibadda Itoobiya ayaa dhawaan bogga Internetka ku leedahay soo dhigtay qariidada Qaarada Afrika oo Soomaaliya lagu daray Itoobiya, waxa ayna taasi keentay caro badan inkastoo markii dambe bogga laga saaray raali galina laga bixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Arrin muhiim ah kala hadlay Bulshada Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Xamse oo Xus ka dhacay Muqdisho ka sheegay..

Caydiid Ali

Qareen Xaday Lacag badan oo Soomaaliya leedahay oo Dacwado lagu soo oogay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---