Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysan ku dilay Cabdiqaadir Xaaji Eenow kaddib xog ay heleen

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku dilay xubin muhiim ah oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaddib markii ciidanka heleen xogta ninkaasi shacabka dhibaato ku hayay.

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa xalay lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in xogta ninkan ay dileen ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn uu dhibaato ku hayay,  iyagoona isla xalay ku guuleystay inay khaarajiyaan ninkan.

Kooxda Al Shabaab ayaa si dhuumaaleysi ah ku taga deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas ay dhibaatooyin ugu geestaan dadka shacabka ah kana qaataan lacago baad ah iyo xoolo.

Related posts

Xassan Shiikh oo Imaaraadka kaga qeyb galay shir looga hadlay amniga Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo Magacaabay Guddi qaban qaabiya Shirka Dib u heshiisiinta K/Galbeed (Akhriso)

Caydiid Ali

Trump oo si caro leh uga baxay shir uu la lahaa Xisbiga Dimoqraadiga (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---